Dhageyso: Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Dhanka Amniga Ee G/Sh/Hoose Oo Weerar Afka Ah Ku Qaadey Dowladda KGS

0
226

Afgooye(INO) Gudoomiye ku xigeenka Hore ee Dhanka  Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Shabellaha Hoose Axmed Cumar Mudane ayaa ku eedeeyey Dowladda  Koonfur Galbeed iney si sharci darro ah ku qaataan hantida shacabka Gobolka Shabellaha hoose, Waa sida hadalka U dhige e.

maddd2

Gudoomiye ku xigeenka Hore ayaa sheegay iney burbursan yihiin wadooyinka gobolka Shabellaha hoose,wuxuuna xusay in Dowladda  Koonfur Galbeed uu Baydhabo u raro lacagaha faraha badan ee laga qaado baraha Koontarool ee gobolka halkii wax loogu qaban lahaa shacabka ku nool Shabbellaha Hoose.

Axmed Cumar Mudane ayaa sheegay inuu gobol walba leeyahay khayraadkiisa gaarka ah,wuxuuna farta ku fiiqay in loo baahan yahay in wax loogu qabto shacabka Shabellaha hoose canshuuraha laga qaado,Gudoomiye ku xigeenkii Hore ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Shabellah hoose iney isu taagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen arintaasi.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here