Dhageyso: Gudoomiye Foode Cadde oo la yaabay gurmad xoogan oo Shabaab ku soo geliyen Degmadaasi

0
181

Tiyeeglow(INO)- Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow, Maxamed Cabdalla Xasan (Foodcadde), ayaa wax lala yaabo ku sheegay sida ay maleeshiyada Al Shabaab u soo buuxiyen Degmadaasi.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in Shabaabku ay gurmadyo xoogan ka kala keenayn Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha, iyagoo Degmada Tiyeeglow soo geliyay ciidan uu tiradoodu ku sheegay inay u dhaxeyso 1,500 illaa 2,500 oo nin.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Tiyeeglow ay noqotay meel ay isugu yimaaden mintidiinta Ururka Al Shabaab, isagoona sababta ku sheegay Tiyeeglow oo goob istiraatiiji ah, isuna xirto gobolo badan.

Wuxuu wax lala yaabo uu ku tilmaamay dagaal-yahanada Shabaabka oo xiran jaakadaha ka samaysan walxaha qarxa, iyadoo illaa sideed nin ay Taladadii is qarxisay, markii ay rasaas la dhaceen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamadu ay rasaas kaga hortaggen gaari xamuul ahaa, oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaa uu intaa raaciyay in dagaal qaraar uu ka dhacay Degmadaasi.

Maxamed Cabdalla Xasan, ayaa ka dhawaajiyay inay adag tahay in laga adkaado mintidiinta, waxaana loo baahan yahay sida uu sheegay in duqayn looga saaro Degmada Tiyeeglow.

Ugu dambeyntii, Foodcadde, ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku ammaanay inay yihiin geesiyaal u diyaar ah la dagaalanka maleeshiyada Shabaab, ha yeeshee aysan haysan rasaas in ku filan.

Halkan Ka Dhageyso