Dhageyso: Gudoomiyaha Gudiga Doorashada KGS Oo Ka Hadley Qaabkii Ay U Dhameeyeen Doorashada

0
176

Baydhabo(INO)- Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxaa  lagu soo gabagabeeyay doorashadii aqalka hoose, iyadoo  lagu doortay xubnihii u dambeeyay Ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Ee u matalaya aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed  Maxamed C/laahi Mursal ayaa sheegey in si habsami leh ay u dhameeyeen  Doorashada Aqalka Hoose Isagoona Xustey in Gacan weyn iyo habraac ay ka Heleen Odayaasha Dhaqanka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Sida aad la socotaan Geeda Socodkan,waqti dheer ayuu soo socodey, caqabado badan way iska jiraan, Maadama ay ahayd markii ugu horeysey Doorasho noocan ah oo wadanka uu ka dhaco, Laakin Alle mahadiis si Wanaagsan ayaan ugu gudubney, wax dhibaato ah oo lagala kulmey ma jiro”  ayuu yiri Mursal.

‘Wax yaabaha nasaacidey  waxa ugu waa weyn khibrada Odayaasha Dhaqanka, Beesha Calamka AMISOM Iyo Laamaha Amaanka, Caqad Kastoo Timaado Waqtigeed ayaa la xalinayey” ayuu mar kale Mursal, Gudoomiyaha Gudiga Doorashada KGS.

” Runtii eedeymahaas Xaqiiq ma aha, Haba yaraatee Ma dhicin in mursahrax  Waqtii la balamiyey ka hor  Doorashada, waa eedeymo aan sal laheyn waaye, Laakin Waxyaabaha kale ergada iyo arimaha kale  waxay ku xiran tahay Beesha Qaab dhismeedkeed iyo  sida aboodu  ay u qiibsadaan. Laakin Ma jirto Musharax Liis loo bedaley” ayuu mar kale yiri Mursal.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga