Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose” Lama weerarin Shalaanbood”

0
216

Marka(INO)- Ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa maanta Weeraray deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh/Hoose, waxayna halkaasi heysteen muddo saacado ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa markii dambe Al-Shabaab ka saaray deegaanka Shalaanbood ee gobolka Sh/Hoose.

Wararka aan ka heleyno deegaanka Shalaanbood ayaa sheegaya in weeraro gaadmo ah ay weli ku soo qaadayaan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay saacado koban qabsadeen deegaanka Shalaanbood.

Waxa uu sidoo kale sheegay aysan jirin wax dagaal ah oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Shalaanbood.

Al-Shabaab ayaa ka taliyo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh/Hoose, waxayna dagaalo gaadmo ah ku soo qaadaan deegano kale oo ka tirsan gobolka.

Sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay dagaal ku soo qaadeen tuulooyin hoos taga degmada Afgooye.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here