[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/hoosowBaydhabo.mp3|autostart=yes]
Gudoomiyaha kmg ah ee gobolka Bay Cabdi Hoosow oo wax laga weydiiyey waxa uu ka ogyahay soo galista ciidanka Itoobiya ee gobolka ayaa sheegay inuusan waxba kala socon balse ay dhici karo in uu jiro heshiis dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlada federaalka Itoobiya inay ku soo galeen gobolka, maamulkoodase aysan la socon qorshaha ciidanka Itoobiya ee gobolka ay u yimaadeen. waxuuse sidoo kale gudoomiyuhu sheegay in maamulkiisa hoostago dowlada federaalka sidaasi darteedna si aad ah u soo dhaweynayaan soo galista Itoobiya ee gobolka.
Ciidamada Itoobiyaanka ee gobolka yimid ayaan aheyn markii ugu horeysay ee ay gobolka yimaadaan, waxaana jirtay marar hore inay gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ka fuliyeen howlgalo badan oo ay ku baacsanayeen dagaalyahanada kooxda Alshabaab, sidoo kalena ku bartilmaameedsanaayeen kooxaha Soomaalida ah ee diidan siyaasada iyo faragelinta Itoobiya ee arrimaha Soomaaliya, iyagoo xabsiyadooda u taxaaba iyo cabsi galiya kooxaha diidan siyaasada itoobiya
Imaantinka ciidanka Itoobiya ee xiligaan ayaa dadka qaarkii ay su’aal iska waydiinayaa iyadoo aan kala cadeyn in ay doonayaan in ay meesha ka saaraan dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo muddo sanad ka badan uga socday ergo ka kala yimid gobolada koonfureed ee Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha, Jubada Dhexe iyo Jubbada Hoose, kuwaasoo hataan u shirkooda gabagabo ku dhow yahay, isla markaasna doonayaan in halkaasi lagaga dhawaaqo maamul ka kooban lix gobol bartamaha Janaayo sanadkaan hadda bilowday ee 2014.
Sidoo kale ma cada in imaashaha degdega ah ee Itoobiyaanku ay salka ku haysto mid ka mid ah qodobadii heshiiska Addis Ababa ee u dhaxeeyey maamulka Jubba iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya kaasoo sheegaayey in meel looga soo wada jeesto cid alaale cidii ka hor timaada heshiiskaas Addis Ababa ee lagu taageeray dhismahii maamulka Jubba ee madaxda uu ka yahay Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe.
Isku soo wada duub,Waxaa meesha ka baxday doodii horey u taagnaan jirtey ee ahayd in ciidamada safka hore aysan qeyb ka noqonin ciidamada nabad ilaalinta Afrika, horey waxaa dalka ugu sii sugnaa ciidamo ka socda Jabuuti iyo Kenya oo ah wadamada safka hore waxaana maanta imaanshaha ciidamada Itoobiya oo ku soo biirtay ciidanka Amisom ay soo afjartay diidmadii iyo doodii siyaasayiinta Soomaaliyeed qabteen.