Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Wareegto ku Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Bay, iyadoo loo magacaabay C/rashiid C/llaahi LFC oo sanadihii lasoo dhaafay u shaqeynayey Hay’adaha Samafalka sida; CARE, WFP, OCHA iyo NRC.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale Magacaabay laba Guddoomiye ku xigeen iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyadoo loo magacaabay, C/alaahi Cali Watiin oo isagana ka shaqeynayay Hay’adda Qaramada ee Miino-baarista – Mine Action.
Xafladda Magacaabidda mas’uuliyiintan ayaa waxaa joogay ka ahaa Wasiirrada Dowladda Koonfur-Galbeed, nabaddoonnada, Saraakiisha AMISOM iyo Hay’adaha Samafalka.
Guddoomiyeyaasha Cusub ee Gobalka Bay iyo Degmada Baydhabo ayaa isla goobtii lagu magacaabay lagu dhaariyay, iyagoo bedeli doona maamulkii hore ee degmada iyo kii Gobolka Bay oo goor-dhow uu sheegay madaxweynahaDowladda Koonfur-Galbeed inuu waqtigoodii dhammaaday.
Ugu dambeyn, hadla uu Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bay ka jeediya xafladda ayuu ku sheegay inuu si cadaalad ah ugu shaqeyn doono shacabka Gobolka Bay ku nool ee uu mas’uuliyaddooda qaaday. Isagoo Ballan-qaaaday inuu Waxqabad la Taaban karo uu ka qaban doono Gobolka, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, Beeraha iyo Waxbarashada
Halkan Ka Dhageyso Dhaarinta Godoomiyaha
Idale News Online, Baydhabo