Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Dalka ka socda iyo halka ay marayaan.
Gudoomiye Jawaari oo si gaar ah uga hadlay Doorashada xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in weli ay Magaalada Muqdcisho ka socoto isdiiwaan gelinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10-aad.
Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan diiwaan gelinta xildhibaanada.
Hadalkan ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) waxa uu ka sheegay xilli maanta uu kormeer ku tagay goobta ay ka dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Soomaaliya.