Dhageyso Gudoomiiyaha degmada Marko oo xaqiijiyey odayaashii la dilay inay ka soo wada jeedeen gobolka Sh/Hoose

0
194

Rag hubeysan ayaa meel dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Baay shalay ku toogtay 8 oday dhaqameed oo la socday baabuur rakaab ah iyagoo ka yimid magaalada Baydhabo. Odayaasha ayaa la sheegayaa inay ka mid ahaayeen ergadii magaalada Baydhabo kaga qeybgashay shirkii maamul u sameynta lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu doortay Madoobe Nuunow Maxamed inuu madaxweyne ka noqdo.
Gudoomiyaha degmada Marko cukaash oo isugu ka mid ahaa madaxdii soo ambabixisey odayaashaasi lagu diley duleedka Buurhakaba ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen dilka odayaashaasi. hase ahaatee aysan dhici dooni in dhulka ay soo maraan mar dambe odayaal miisaankaas leh.
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/03/cukaash.mp3|autostart=yes]

Taliyaha booliska gobolka Baay Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in odayaasha lagala degey baabuur ay saarnaayeen xilli ay marayeen tuulada Jameeco oo qiyaastii 10km u jirta magaalada Buurhakaba, halkaasna lagu dilay iyagoo indhaha laga xiray.

Marka

Sida uu sheegay taliyahaasi waxaa goobta ku geeriyooday illaa 7 nin, iyadoo ninka siddeedna looga tagay dhaawac ahaan, balse wuxuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Buurhakaba markii la geeyay. Falkan ayaa dhacay abaare 5;00 galabnimo ee maalinimadii shalay oo ahayd Axad.

Taliska booliska gobolka Baay iyo maamulka degmada Buurhakaba waxay sheegeen in kooxda dilka geysatay ay ahaayeen Al Shabaab wadada soo galay isla markaana ka warhayey safarka odayaashan ka soo laabtay shirka magaalada Baydhabo.

Al Shabaab ma jiro wax war ah ah oo dhankooda ka soo saareen dilka odayaasha ee iyaga lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen.

Siddeeda oday dhaqameed ayaa dhamaantood ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana haatan meydkooda lagu hayaa magaalada Buurhakaba iyadoo laga fekerayo sidii loo aasi lahaa.