Dhageyso: Guddoomiye Siidii ”Weli Isbaarooyin Badan Ayaa Yaalla Gobalka Shabeellaha Hoose, Dowladda Way Ogtahay”

0
364

Afgooye(INO)-Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ayaa dalbaday in gacan lagu siiyo qaadista isbaarooyinka fara badan ee yaala qeybo badan oo kamida Goblka shabeelaha hoose kuwaas oo lacago aan shanciyeysnayn looga qaado gaadiidka gobolkaa ka shaqeeya.

siidii

C/qaadir Nuur Siidii, gudoomiyaha goblka shabeelaha hoose ayaa sheegay iney tiro dhaafeen isbaarooyinka yaala gobolkaa loona baahan yahay in la iska kaashado dhamaystirka isbaarooyinka dadka lagu dhibaateeyo

Sidii dhinaca kale waxa uu sheegay in wax soo saarka goblka shabeelaha hoose ay hoos u dhigayaan isbaarooyinka hadaan imanka wax laga qaban ganacsataduna aysan ku soo dhiiranayn maal gashiyo ay ku samaystaan dhul beereedka goblkaa

Madaxda dowlada dhexe iyo Dowladda  koofur Galbeed ayuu ugu baaqay iney deg deg isaga kaa shadaan qaadista isbaarooyinka gobolkaa.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here