Guddiga qabanqaabada mudaharaad looga soo horjeedo siyaasad xumida Madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan magaalada Washington DC ayaa waxaa ay sheegeen in ay dhameystireen dhamaan howlahoodii ku aadanaa banaanbaxa ka dhici doonta gobolkaan Minnesta maalmaha Jicamaha iyo Sabtida ee Bisha August ay tahay 8 iyo 9ka
Saadiq Abdullahi Abdi oo ka mid ah guddiga ku howlan qabanqaabada oo wareysi siiyey idaacada gudaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in guddiga ay ka go’an tahay shacuurta dadka Soomaaliyeed ee la haysaha ku ah guddaha Somalia ay u hadlayaan, sidoo kale waajib ay tahay in dalka laga badbaadiyo siyaasad xumida Madaxweyne Xasan Sheekh dalka.
Guddiga ayaa madaxweynaha ku eedeeyey dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo xildhibaanda, wargaradka, iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed. waxayna sheegeen in codkooda gaarsiin doonaan dhamaaan senators iyo congressmen la soo doorto, si ay madaxweyne xasan uGu qasbaan in uu xilka ka dego amaba uGu yaraan u hogaansamo isla markaasna ilaaliyo shuruucda dalka.
Idale News Online