Dhageyso: Goorma ayay dhaceysaa Doorashada Madaxweynaha Galmudug

0
188

Cadaado(INO) — Iyadoo shalay Madaxweynahihii Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimada Galmudug  Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa ayaa xildhibaano ka tirsan Galmudug waxaa ay sheegeen in ay doonayaan in ay qaban qaabiyaan doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in doorashada Madaxweynaha Galmudug in ay dhacdo 20 Bisha March ee sanadkaan 2017-da.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in doorashada ay qaban qaabin doonaan xildhibaanadii horay u sheegay  in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed. Waxaa uu xusay in Musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug in ay soo gaareen Magaalada Cadaado.