Dhageyso: Gen. Atoosh” Itoobiya iyadaa markii hore iska soo gashay Haddana iskeed uga baxaysa”

0
185

Muqdisho(INO) — Wasiir ku xigeenkii hore Gaashaandhigga Dowladdii KMG ahayd ee Somalia, Jen. Maxamed Cali Catoosh, ayaa ka hadlay bixitaanka Ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

Jen. Catoosh oo u Warramayay SBS ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee haatan Deegaannada Soomaaliya qaarkood ka baxaya ay iyagu markii hore si iskood ah dalka u soo galeen, haddana ay si iskood ah uga baxayaan.

Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM iyo kumannaan kale oo aan ka ahayn qayb Hawl-galka Midowga Afrika, balse la sheegay inay qayb ka yihiin la dagaalanka Al-shabaab ayaa billaabay inay isaga baxaan deegaano dhawr ah oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Halkan Ka DHAGEYS