Muqdisho(INO)- Raysalwasaarihii hore ee dawladdii KMG ahayd Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku eedeyey Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay ku xadgudbeen Dastuurka udagsan Soomaaliya, isla markaasna ay adeegsanayaan awoodo dheraad ah oo aysan laheyn.
Raysalwasaarihii hore wuxuu sheegay in ilaa hada laga leex-leexanayo dhismaha Maxkamadii Dastuuriga ahayd ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hadii aan la dhisin Maxkamada sare ee dalka aysan waxba ka socon Karin gudaha dalka Soomaaliya.
Mr, Farmaajo ayaa ka dalbaday Madaxda dawladdu in ay si deg deg ah ku soo dhisaan Maxkamadii sare ee dalka loogana baahan yahay in ay muujiyaan dadaal dheeraad ah si taasi loo helo, wuxuuna sheegay in ay tahay oo kaliya mid looga gudbi karo caqabadaha sharci ee hada taagan.
Raysalwasaarihii hore wuxuu muujiyey walaaca ay qabaan Siyaasiin badan oo Soomaaliyeed kaas oo ah in aan la gaarin himiladii laga rabay Soomaaliya in ay hada joogto, markii ay ka soo baxday KMG-nimadii, wuxuuna ugu baaqay Madaxdu in ay dadajiyaan waxyaabaha keeni kara doorasho in la galo sannadka nagu soo aadan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho