Baydhabo(INO)- Inta la ogahay 8 askari oo Ka Tirsan Ciidamada DFS Ee Qeybta 60aad Ayaa ku dhaawacey ka dib markii Barqadii maanta Miino lagula eegatay inta u dhaxeyso Garasta iyo Degaanaka Daynuunaay Ee Gobolka Bay.
Taliyaha Qeybta 60aad Ee Loogistikada Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya Col. Bille ayaa Idalenews.com u Xaqiijiey in tirada Ciidamada ku dhawacmey Qaraxaasi ay gaarayan 8 askri oo uu sheegeyn in 2 ka mid ah ay halis yihiin.
Dhaawacyada Askarta Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa La Soo Gaarsiyey IsbitaalkaWeyn Ee Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, kuwaasoo hadda lagu dhiibaayo.
Taliyaha ayaa Sidoo kale Sheegey in Halkaas ay ka soo qabteen Haweeney Ku meer meereysaneysay , taasoo uu sheegey in ay ku wareejiyeen Ciidamada Nabad Sugida Degmada Baydhabo, iyadoona looga shakisan yahay Qaraxaas inay wax ka ogeyn isla markaana waxa uu xusey in Qarax uu ahaa mid Ramuud Kontarool ah.
Ugu dambeyntii, Kooxda Al-shabaab Ayaa Beryahan waxay kordhisey Gaadmada Ciidamada DFS iyo qaraxyada ay ka geysaneyso Gobolada Dalka Soomaaliya taasoo Sabab u ah sida ay sheegayaan dadka Siyaasada Falanqeeya ka dib markii Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ay yareeyeen Duuleedkii ay ku ahaayeen Degaanada iyo Degmooyinka ay ku sugan yihiin Xogaga Al-shabaab.
Halkan Ka Dhageyso Waresyisaga Wariye Axmed Sadiq
Idale News Online, Baydhabo