Dhageyso: Faah Faahin Qarax Ka Dhacay Nawaaxiga Dekeda Muqdisho

0
182

Muqdisho(INO)- Wararka naga soo gaaraya Dekada Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in  halkaasi  uu  ka dhacay Qarax si weyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay Irida Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxa gaariga si weyn looga maqlaayay, waxaana cirka isku shareeray Uuro.

Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas dhaceysay oo u muuqatay mid ay ridayeen ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee ku sugan nawaaxiga Dekada Muqdisho.

Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaasi gaari ee ka dhacay Nawaaxiga Dekada,  maadaama dekada subaxdii hore dad badan ay u shaqo tagaan, sidoo kalena Maqaayado badan oo Dekada ka soo horjeeda ay fariistaan dadka baabuureeyda ah.

Ugu dambeyntii, Qof ku sugan nawaaxiga Dekada Muqdisho, ayaa  Warbaahinta u sheegay in hada la daadgureynaayay dad waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxaasi.