Dhageyso: Faah Faahin Dheeraad Ah Nuxurka Kullankii Madaxweynaha KGS Uu La Yeeshey Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya

0
192

Addis(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan dalka Itoobiya, halkaas oo ay ka heleen casumaad rasmi ah.

Shariif XASAN IYO TREDROS

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Adam ayaa kulan gaar ah la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom. Labada dhinac ayaa ka wada hadley arrimaha doorashooyinka Soomaaliya sanadkasn 2016, iyo arrimo kale oo la xiriira amaanka iyo iskaashiga.

 Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan ayaa dalka Itoobiya uga mahadceliyey sida ay Soomaaliya uga taageertey la dagaalanka al-Shabaab, waxaana uu ka codsadey, in kor loo qaado taageerada dhanka Mileteri, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Arrimaah Dibadda ee Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Tedros Adhanom ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiya ay kas go’an tahay taageerada Soomaaliya, si loo helo nabad iyo deganaansho.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horey u taageeray go’aankii Dowladda Federaalku ka gaartey nidaamka doorashooyinka, inkasta oo baarlamaanka .

Sidoo kale  Madaxweyne Shariif Xasan ayaa hormuud u ah Maamulada iyo Siyaasiyinta u ol-oleynaya nidaamka 4.5 ee beelaha in baarlamaanka lagu saleeyo.

Itoobiya waxaa weli ku sugan wefdigii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabndiweli Cali Gaas oo iyaguna kulamo la qaatey madaxda Itoobiya sida Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaana ay ka wada hadleen nidaamka doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Ma cadda in doorka Itoobiya uu yahay dhex-dhexaadin labada dhinac ee kala hoggaaminaayo nidaamka degmooyinka iyo kan beelaha ee 4.5 oo hadda Adis Ababa kuwada sugan.

Idale News Online
News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here