DHAGEYSO: Faah-faahin dabkii ka kacay Isbitaal Banaadir Ee Hooyada Iyo Dhalaanka

0
237

Muqdisho{INO}Warar faahfaahin ah ayaa kasoo baxaya dab xalay ka kacay isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, gaar ahaan qeybta keydka daawada ee isbitaalka Banaadir.

Masuuliyiinta isbitaalka Banaadir ayaa sheegay in xalay lagu guuleystay daminta dabka ka kacay isbitaalka, laakiin uu khasaaro geystay.

Labo bakhaar oo daawada lagu keydiyo ayaa la sheegay inuu dabka qabsaday, waxaana lagu guuleystay inuu labadaasi ku koobnaado, sida masuuliyiinta isbitaalka ay warbaahinta u sheegeen Saaka.

Mid kamid ah bakhaarada dabka uu ka kacay ayaa la sheegay inuu bas beelay, waxaase la sheegin khasaaro kale oo dabka ka dhashay.

Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ayaa waxaa ku jiro haween iyo caruur badan oo qaba xanuuno kala duwan.