Baydhabo(INO)-Siyaasiga Rug cadaaga ah Ex. Xildhibaan Xasan Idirs, isla markaana inta badan u dhaq dhaqaaqa, raadinta Xaquuqda Bushadda Koonfurta iyo koonfur Galbeed Soomaaliya tan iyo markii ay burburtey dowladii dhexe ee soomaaliya , sido kalena ka mid ahaa Aas Aasiyaashii Jabhadii RRA ee Raxanwey , oo dagaal Safdheer ahi la gashey, Jabhadii USC ee Hogaaminaayay Gen. Maxamed Faarax Ceydiid, waagai Socodey Dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya ayaa ku eedey Xildhibaanadda Baarlamanka Wadanka Soomaaaliya, in ay Bahldileen Lahjadda Maay-ga oo Looga Hadlo Koonfurta Soomaaliya iyo Qiibo ka mid Ah waqooyi bari Dalka Kenya.
Ex. Xildhibaan Xasan Maxamed Idiris oo ku sugan Dalka Jarmalka ayaa ka digey, Sii socoshadda Bahdilaada Lahjadda Maay-ga ,Isagoona sheegey in Dastuurka Soomaaliya uu ku xusun yahay Labadda Lahjadood ee Maay iyo Maxaa , Isla markaana waxa uu Dowladda soomaaliya ku eedeyey Dhaqan Galin la’aanta xafiisadaha hay’ada Kala Gedisan Ee Dowladda aan ka soo bixin weli Warqado ku qoran Maay-ga iyo Sioo kalena wuxu Canaan Kuluul Ujeediyey Xildhibaanadda Baarlamanka Soomaaliya oo ka Soojeedaan Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Soomaaliya Sida Caadiga ah waxa ka Jira labo Lahjadooda oo kala ah Maay iyo Maxaa ,Labadduba waa Af-Soomaali, dastuurkuna wuu qeexaya, laakiin dadku ku hadla Lahjadda Maxaa waxay mar weliba Liidaan Lahjadda Maay-ga oo ka xigmad badan kana Asalsan lahjadda Maxaa” Ayu yiri Xasan Maxamed Idiris.
Sidoo kale Siyaasiga Xasan Maxamed Idiris ayaa amaanay Bulshadda rayidka ah ee u dhashey Lahjadda Maay-ga Isla markaana ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir in ay adeegsadaan Luuqadooda mar weliba, iyagoona ilaalinaayo Dhaqankooda iyo weliba Sharafta iyo Karaaamadda Lajhada Maay-ga Ee Sinjigoodu ah.
“Waxaan aad u Amaanaya Bulshadda Maay-ga Ganacsatada ah ee degan Muqdisho oo adeegsada lajhada maay-ga iyagoona Jooga Magaalada Muqdisho” ayuu yiri
Si kastabaha ha ahaatee, Luuqda Maay-ga ayaa waxay ka mid luuqadaha Laan ka mid ah – Chushtic-ga isla markaana waxa looga hadla Goboladda Koonfurta Soomaaliya iyo Weliba Qiibo ka mid ah Gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya, adeegsigooduna waxa uu ka kooban yahay Hadda Guryaha.
Ugu dambeyntii, Dadka u dhashey lahjadda Maay-ga ayaa 95% aaney qori karin ama akhrin Karin lahadjaadaasi, taaasoo sabab u ah horumarin la’aan iyo bulshaddaasi oo ka Guureyso Afka Maay-ga.
Halkan Ka Dhageysoo.
Idale News Online, Baydhabo