Marka(INO)- Iyadoo iminka ay jiraan abaaro xoogan oo dalka dhan saameyn ku yeeshay ayaa waxaa dhinaca kale socda gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Abaaraha ee ku nool Gobolada dalka Somaliya.
Guddiga gurmadka Abaaraha Qaranka ayaa maamulka Koonfur Galbeed horay ugu wareejiyay lacag gaareysa $150,000 (Boqol iyo Konton kun) ayaa lacagtaasi waxaa loogu talo galay in loo qaybiyo dadka ku nool 18 Degmo oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Degmo kasta oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku soo aaday lacag gaareysa $8,300 (Sideed kun iyo seddex boqol oo doollar ), waxaana loo dhiibay masuuliyiinta Maamulada Degmooyinka si shacabka ay raashin ugu gadaan, kadibna ay ugu qaybiyaan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya lacagtii loogu talo galay Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha hoose inay lunsadeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, sida Uu Sheegey Macalin Barre oo ah mudane Ka Tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.
Macalin Barre ayaa sheegay inay jirto isdabarin ku aadan lacagtii bulshada loogu talo galay, wuxuuna sheegay arintaasi in loo haysto mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Wasiirka Gargaarka iyo Naafadda Cabdi Muuse waa sida hadalka u dhigey e.
Sidoo kale waxaa loo haystaa arintaan Guddoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasadda Gobolka Shabellaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu eedeynaayo inuu lunsaday dhaqaalaha gar gaarka shacabka Marka.
Dadka kale ee arintaan loo haysto waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo la sheegay door muuqata inuu ku lahaa lacagta shacabka laga lunsaday.
Macalin Barre, ayaa sheegay hadii masuuliyiintaan aysan deg deg u keenin lacagta loogu talo galay Bulshada in loogu gurmado xabsi inay tagi doonaan waa sida uu hadalka u dhigay.
Iyadoo guud ahaan Gobolada dalka aysan si toos ah uga bilaaban gurmad gaarsiinta shacabka ku nool deeganadaasi, ayaa durba waxaa soo baxaya musuqa lagula kacay qarashka loogu talo galay in loogu gurmado Bulsho dhibaateysan oo abaarta ay saameysay.