Dhageyso: Xildhbaanada Badbaado Qaran oo digniin culus u diray Maamulada Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe

0
223

Muqdisho(INO)-Xubno ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynayaasha maamulada Jubba iyo Koonfur galbeed Soomaaliya kaasoo ku aadan ku lug lahaanshaha soo xulista wasiirada cusub ee xukuumada Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke. 
cabdi barre

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo shirka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynayaasha maamulada Jubba iyo Koonfur galbeed Soomaaliya fara gelin ku hayaan soo xulista xubnaha wasiirada cusub.

“Madaxweynayaasha seddexda gobol iyo maamulka Jubba waxay caadeysteen inay la saftaan oo garab siiyaan kooxaha oo habeen iyo maalin talo siiyaan,heer ay gaareen inay fara gelin ku sameeyaan wasiirada oo ay kala qeybiyaan xildhibaanada oo ay yiraahdaan xukuumada anagaa qeyb ka ah hala ansixiyo oo dadkii aanu heysanay ee dalka madaxda ka ahaa iyagu ka horeeyaan,” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf. 

Halkaan Riix si aad Mobilkaada uGu dhageysato

Halkan Ka Dhageyso.

 Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa uga digay Labada mas’uul inay sii wadaan fara gelinta ay ku hayaan xukuumada cusub iyo qaabka loo soo xulayo,isagoona ugu baaqay in marka hore maamuladooda nabadeeyaan dadkana isku keenaan,islamarkaana joojiyaan fara gelinta ay wadaan.

Mas’uuliyaan la eedeeyay ayaa wali ka hadlin arinta lagu eedeeyay. 

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here