Dhageyso: Dr.Gaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo

0
175

Cadaado(INO)- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo colaado ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Suldaan Cabdi Casiis Cumar Daad (Bayle) oo ka mid ah waxgaradka Somaliyed, ayaa sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas inuu yahay shaqsiga hurinaayo colaada ka taagan Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay dagaal sidiisaba inuu ku dhinto wiil, balse aanu ku dhalan, isaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Gaas inuu joojiyo colaada oo ka hurinaayo Magaalada Gaalkacyo.

“Colaadda Gaalkacyo waxaa abaabulaya waa Cabdiweli Gaas waxa weeye dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta waxaan ka digayaa in colaadda Gaalkacyo ay sii socoto waxaana leeyahay Gaasow jooji dagaalka.” ayuu yiri Suldaan Cabdicasiis Beyle.

Puntland ayaa mar waliba Dowladda Federalka Somaliya ku eedeysa inay ka dambeyso colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo, hayeeshe eedeyntaasi ayaanan waxba ka jirin, maadaama Dowladda Somaliya ay iska diiday inay ku lug leedahay dagaalada Gaalkacyo.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa salka ku haayo dhul banaan oo labada Maamul u dhaxeeya oo Puntland ay ka dhistay Maxjar Xoolo, taasi oo ka careysiisay Maamulka Galmudug, dagaalkana sidaasi uu ku biloowday.

Masuuliyada dagaalka Khasaaraha geystay ee ciidamada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo ayaa looga fadhiyaa inay qaadaan dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

Halkan  Ka Dhageyso.