Kismaayo(INO)-Hogaamiyaasha Maamulada Puntland iyo Juba ayaa kulankaan maanta waxay ku leeyihiin magaalada Xeebta ah ee Kismaayo, waxaana kulankaan uu ka danbeeyay ka dib markii magaaladaasi shalay ay gaareen madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayay.
Waxaa la sheegayaa in kulankaan uu yahay mid ay Al-Baabada u xiranyihiin, waxaana uu ka socdaa madaxtooyada maamulka juba iyadoona sidoo kale aanan saxaafada loo yeerin.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Juba ayaa sheegay in waxyaabaha ay kawada hadlayaan labaan masuul ay ka midyihiin, Iskaashi dhex mara maamulka Juba iyo Puntland oo ah xaga ganacsiga.
In ay yeeshaan labadaan maamul hal aragti oo siyaasadeed oo ay ku mideesanyihiin.
Iyo In lagu wada dadaalo sidii loo gaari lahaa hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee 2016.
Maamulada Puntland iyo juba ayaa waxay ka mid yihiin ilaa iyo sadax maamul gobaleed oo ilaa iyo hada dowlada federalka si rasmi ah ay u aqoonsantahay, waxaana dhowaan jiray kulan madaxtooyada Soomaaliya ay ku yeesheen labadaan madaxweyne iyo madaxweynaha Soomaaliya oo uu wehliyo sidoo kale madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif xasan Sheekh Adan.
Isbiirsiga labadaan maamul ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo horay magaalada Kismaayo uu u tagay madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Adan, Waxaana xusid mudan in mar hadiiba maamuladan ay ku midoobaan aragtiyadooda siyaasadeed ay culeys ku noqon karto dowlada dhexe ee Soomaaliya oo ay horyaalaan howlo adag oo ay kamid yihiin hiigisga 2016 iyo doorasho kadhacda dalka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online,Kismaayo.