Dhageyso: Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Si Kulul U Cambaareysey Weerarkii Garowe

0
208

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda  Koofur Galbeed Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa cambaareeyay Qaraxii  Garoowe lagu eegtay Shaqaale ka tirsan QM iyo Weerarkii shalay ka dhacay Shabellah hoose ee lagu dilay Ciidamo ka tirsan AMISOM.

nadaara

Afhayeenka Dowladda Cabdiqaadir Nadaara oo akhrinayay Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha ayaa sheegay in Shariif Xassan Sheekh Aadan maalmo gudahood uu booqan doono mar kale Magaalada Baraawe, si uu ula kulmo Odayaasha Dhaqanka, una qiimeeyo Xarumaha uu dagi lahaa Maamulkiisa.

 war saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa lagu  cambaareyey, Weerarkii Maanta Ka dhacey xaruntii QM ee magaalada Garowe, Madaxweynahu waxa uu tacsiyeeyey  dadkii ku wax yeeloowey oo isugu jirey  Soomaali iyo Ajaanib, wuxuuna  ku baaqaya in  si wada jir ah  looga wada  shaqeeyo loogana  hortago kuwaasi oo  dhibaatadda dadka u geysanaayo, sidoo kale madaxweynahu waxa uu tacsiyo u direy ciidamadii AMISOM ee shaley lagu weerarey Inta u dhexeyso Yaag-Beriweyne iyo  Degmadda leego iyadoona AMISOM ay sheegtey in weerarkaasi loogu diley seddex ka mid ah Ciidamadooda , Madaweynuhu aad ayuu ugu xun yahay Falkaasi” Ayuu yiri Cabdi qaadir Nadaara.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here