Dhageyso: Dowladda KGS Oo Guulo Ka sheegtay Dagaal Ay xalay Al-shabaab Kula Gashey Qansax-dheere Ee Gobolka Bay

0
224

Qansax-Dheere(INO) Dowladda Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo xalay  saqdii dhexe ay Al-shabaab ku qaadeen degmada Qansax dheere ee gobolka Bay,wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta Dowladda  koonfur Galbeed ahna kusimaha wasiirka amniga Ee KGS  ayaa sheegay iney guul ka gaareen dagaalka ay la galeen Al-shabaab.

Xasan Xuseen Maxamed wasiirka hubka dhigista, dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Ee  Dowladda  Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidankoodu ay fashiliyeen weerar ay Al-shabaab kusoo qaadeen degmada Qansax dheere ee gobolka Baay.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo difaac kaga jiray hareeraha magaalada ay jab xoog leh gaarsiiyeen Al-shabaabkii weerarka soo qaaday sida uu sheegay,wuxuuna xusay iney gaarsiiyeen qasaaro dhiamsho iyo dhaawacba leh.

Ugu Dambeyntii Rag ka tirsan Al-shabaab oo si aad ah u huabysan ayaa weerar culus ku qaaday degmada Qansax Dheere ee gobolka Bay,dadka deegaanka ayaa waxaa soo food saaray wal wal iyo cabsi xooggan,Al-shabaab ayaa Qansax Dheere dagaal ku qaadaya habeenkii labaad oo xiriir ah.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here