Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Sheegdey Inay Xalinayso Xiisadda Ka Taagan Degmada Afgooye

0
686

Afgooye(INO)-Xiisada ka taagan degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose  ayaa ka dambeysay ka dib markii Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ay xilalkii ka qaaday maamulka degmada Afgooye.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta  Ee Koonfur galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa sheegay in Magaalada Afgooye uu u yimid sidii uu u xalin lahaa xiisada ka taagan Afgooye.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay wadaan kulamo wada tashi ah iyo shirar dib u heshiisiin oo lagu xalinayo Xiisada ka taagan degmada Afgooye. Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xalinayso Xiisad ka taagan degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Halkan Ka Dhageyso Codka Madoobe Nuunow Maxamed

nuunow

Idale News Online, Afgooye