Dhageyso: Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya Oo Ka Feejigan Weerarada Maleeshiyada Al-shabaab

0
515

Baydhabo(INO)- Wasiirka warfaafinta Iyo wacyi-galinta Bulshadda Ee Dowlada Koofurgalbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed  oo la hadlay  Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada amni deegaanada Koofur Galbeed  Soomaaliya.

Wasiirka  ayaa sheegay in ciidamada  amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka feejigan yihiin weeraro ka dhacay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay iyo sidoo kale meelaha  Dowlada koofur galbeed ay maamusho.

Waxa uu tusaalooyin usoo qaaday in ciidamada koofur galbeed soomaaliya ay ka hor tageen weeraro  iyo qaraxyo ay Al-shabaab qorshaynaayeen in ay ka geystan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Al-shabaab ayaa horay qaraxyo weeraro ka fuliyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo