Dhageyso: Dowlada Koofur Galbeed Oo Qancisey Dadkii Wax Ka Tabanayay Dowlada

0
226

Baydhabo  ( INO)-Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda  Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Max’ed oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay wadahadal la furayaan beelaha dhaliilsan xubnaha Baarlamaanka Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ugaas Xasan

Xasan Cabdi Max’ed Wasiirka Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa tibaaxay in waqti badan lagu bixiyay xulista Baarlamaanka Dowlada KGS , isagoo carabka ku dhuftay in sharciyadii Barlamaan maamul goboleed loogu tala galay la soo marsiiyay, isagoo qiray in ay jiri karaan tabashooyin beelaha qaar ka imaan karta , diyaarna ay u yihiin cid kasta oo wax cabasho ah ka qabto  qaabka loo soo xulay Xildhibaanadaasi.

Magaalada Baydhabo ayaa shalay waxaa lagu doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya iyadoo ay jiraan siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada maamulkaas kuwaas oo ka soo horjeedo qaabka uu maamulkaas wax u wado, iyadoo qaarkood maamul ay uga dhawaaqeen Gobolka Bakool.

Ugu dambeyntii, Khilaafka hareeyay deegaanada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa dadka qaar  ee  arrimaha dalka falanqeeya sheegaan in ay   noqon karto caqabad kale eek u hor gudban 2016.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here