Baydhabo(INO)-Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Ugaas xasan ayaa usheegay Warbaahinta in ay gacanta ku soo dhigeen darawalkii gaarigii shalay lagu weeraray Aqalka Madaxtooyada ee maamulkaas, wuxuuna sheegay in ay ciidamada amaanka so qabteen dad badan oo qeyb ka ahaa howlgalkan, gaar ahaana cidii la aqoonsaday oo dhamaantood hada lagu saldhigyada ciidamada dawladda Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay howlgalkan qaadeen markii ay heleen xogo badan wixii ka dambeeyey markii uu dhacay weerarkan, wuxuuna sheegay in ay dad badan gacan ka geysteen sidii loo soo qaban lahaa ninkan oo ku dhuumaleysanayay duleedyada magaalada Baydhabo.
Darawalka gaariga ayaa la rumeysan yahay in uu ka dagay gaariga inta uusan qarxin, isla markaasna uu ka mid ahaa kooxdii ka baxsatay weerarkan, markii ay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo AMISOM ay iska difaaceen weerarkan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.