Jaziira(INO)- Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Najax ayaa sheegay in nmaamulka gobolka Shabeelaha Hoose uu isbitaal ka hirgalinayo deegaanka Jasiira oo xilligan aan lahayn wax isbitaal ah.
Wuxuu sheegay maamulka in uu bilaabayo dhismaha Isbitaalka si adeegyo kal duwan loogu qabto dadka ku nool halkaasi oo xilligan aan jirin meelo ay caafimaad u raadsadaan.
Deegaanka Jasiira oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dadka ku nool waxa ay muujiyeen sida ay baahi ugu qabaan in deegaankaasi Isbitaal laga hirgaliyo.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Jaziira