Dowlada Shiinaha ayaa balan qaaday inay sii wadeyso taageerada Dowlada Kenya iyo kuwa Africaba ka siineyso arimaha nabad galyada,kor u qaadista hormarka dhaqaalaha Qaarada Africa.
Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Kenya Liu Xianfa oo ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa sheegay in tiro ka tirsan dalalka Africa ay wajahayaan caqabo badan sida rabshadaha,siyaasad qalifsan, iyo kororka falalka xaqjirka ah oo sababay in xaalada nabad galyo ay noqoto mid aan la isku haleyn karin.