Ku dhageyso Mobile_kaada
Iyadoo dhowaan magaalada Baydhabo looga dhawaaqey maamul ka kooban lix gobol, sidoo kalena uu hotel Bakiin uu ka socda maamul kale oo isna la doonaayo in lagu dhiso maamul goboleed ka kooban 3 gobol ayaa waxaa kala qeybsanaan ku timid xildhibaanadii beelaha Digil iyo Mirifle oo intooda badan hormuud ka ahaa shirarka is diidan ee magaalada Baydhabo muddooyinkii ugu dambeeyey ka jiray.
Xildhibaan Beekoos oo ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle kana soo jeedo gobolka Jubbada Hoose ayaa qaba maamulka dhowaan lagu dhisay magaalada Baydhabo inuu yahay sharci isla markaasina waafaqsan yahay dastuurka dalka iyo hanaanka federaalka dowladu ay qaadatay, dastuurkuna qeexaaya in labo gobol iyo waxii ka badan ay noqon karaan dowlad goboleed hase ahaatee aan lagu xadidin tirada gobolada is raaci kara. Waxuuna xildhibaanku sheegay in dowlada aysan habe yaraate wax ka dhisan maamuladii iyada ka horeeyey sida Puntland, Somaliland, Ximin & Xeeb, GalMudug, iyo weliba kan Jubaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo. Heshiiskii Addis Ababa ku tilmaamey mid dowlada federaalka la qoor qabtey oo qasab lagu geeyey magaalada Addis Ababa.
Dhanka Kale Xildhibaan Max’ed Rashiid Sheekh Daahir oo isna ka soo jeeda isla beelaha Digil & Mirifle ee degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegay in shirka ADC ee degmada Baydhaba uu asalkiisu ahaa wadatashi balse markii dambe dad dano gaar ah lahaa wadadii ka leexiyeey ka dibna siyaasadeeyeen. Waxuuna xildhibaanku sheegay in doorashadii maamulka KG Somalia aysan habe yaraaatee ka turjumeynin rabitaanka dadka ku nool lixda gobol oo labada Maamul (Jubba & Koonfur Galbeedba) isku haystaan. Xildhibaan Max’ed Rashiid Sh Daahir ayaa sidoo kale ku tilmaamey ku dhawaaqista lixda gobol ee KG Somalia oo aan taageero ka haysan dowlada federaalka, beesha caalamka iyo dadka deegaanadaas ku dhaqan aysan waxba soo kordhineynin. sidaasi darteed loo baahan yahay in 3 gobol oo beesha caalamku iyo dowlada federaalku taageerayso la dhiso.
Doodan oo labada xildhibaan ay si aad ah ugu kala aragti duwanaayeen ayaa haddana waxaa muuqata in khilaafka maamul u sameynta gobolada dalka ee hay’adaha dowlada dhexdeedu ka jira uu aad u sii xoogeysanaayo ka dib markii lagu dhawaaqey dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia. Mana cada ilaa iyo hadda isu soo dhowaanka xaga siyaasada iyo jawi nabadeed oo dadyowga Soomaaliyeed ee deegaanada Koonfureed la isugu soo dhoweynaayo oo ay dowlada federaalka oo iyadu dalka masuul ka ah ay ku howlan tahay.
Idale News Online