Dhageyso: Diyaarinta Mooshin Ka Dhan Ah Shariif Xasan Oo Meel Xasaasi Ah Maraya

0
203

Muqdisho(INO)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay  Mooshin ka keenayaan Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Cusmaan Maxamed Caato oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Mooshin ay u keeneen sababo la xariira xil gudasha la’aan ku timid Madaxda Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in Mooshinka xildhibaanada keenay ay dhan yihiin 84 mudane , islamarkaana ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Shariif.

Ugu dambeyntii, Waxaa uu tilmaamay labadii sano ee uu xilka hayay in uusan waxba u qaban bulshada kunool gobolada Bay ,Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga
Idale News Online, Muqdisho