Baydhabo(INO)- Taliska booliska gobolka Bay ayaa ka digay weeraro kale oo Alshabaab ka geystaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay iyo deegaanada ku xeeran magaalada Baydhabo.
Mahad C/raxmaan, taliyaha booliska gobolka Bay oo la hadlay idalenews.com ayaa sheegay iney ka digayaan suuro galnimada weeraro kale oo Alshabaab ka geystaan magaalada Baydhabo.
Taliyaha ayaa ka dalbaday shacabka magaalada Baydhabo iney fiiro gaar ah u yeeshaan gaadiidka sida gaar loo leeyahay ee lasoo dhigayo hareeraha waddooyinka iyo goobaha ganacsiga.
Baydhabo qaraxyo ka dhacay habeen ka hor ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 30 ruux iyo dhaawaca inka badan 41 ruux oo kusugna magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo