Dhageyso: Dhagaysiga Khudbadaha Musharaxiinta u Tartamaya Gudoonka BFS Oo lagu soo Gaba-gabeeyayf

0
202

Muqdisho(INO) –Waxaa goor-dhawayd magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay dhagaysiga khudbadaha ugu yaraan 10 musharax oo u tartamaya gudoonka golaha shacabka Soomaaliya ,iyadoo fadhigii dhagaysiga ee maanta ay ka soo qayb-galeen inta badan mudanayasha loo doortay aqalka hoose.

Mudanayaashan ayaa soo bandhigay taariikh nololeedkooda iyo khibrad –da hogaamineed ee ay shaqadan u leeyihiin hadii la doorto ,waxaana dhagaysiga khudbadahan oo socotay muddo saacado ah si weyn loogala socday gudaha Somalia.

Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) , xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtaroo ka mid ah murashixiinta u taagan xilkan ayaa ka codsaday mudanayaasha in la doorto ,isla markaana ay hogaamin wanaagsan la imaan doonaan.

“Waxaan idin ka dalbanayaa inaad ii tixgalisaan khibrad-da aan u leeyahay shaqadan ,waayo waxaan muddo afar sano ah soo hogaaminayay barlamaankii uu waqtigiisu dhamaaday “ ayuu yiri gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Somalia Maxamed Cisman Jawaari oo isna goobta ka hadlay.

Lix xildhibaan oo kamid ah mudanayaasha cusub ee u tartamayay booska gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Somalia ayaa goobta ka akhriyay khudbado ay kaga hadlayaan khibrad-dooda ,iyadoo maalinta bari ah loo qorsheeyay dhagaygsiga khudbadaha 11 mudane oo u tartamaya gudoomiye ku xigeenka labaad.

Xildhibaanada u taratamaya gudoomiiye ku xigeenka labaad ee khudbadahooda jeediyay waxaa kamid ahaa xildhibaan Khadiijo Max’ed Diiriye iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Ugu danbayn , maalinimada Khamiista ah ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo gudoomiyaha cusub iyo ku xigeenadiisa ,iyadoo doorashadan ka dib la qaban doono tan madaxweynaha Somaliya oo ay u taagan-yihiin musharaxiin fara badan oo uu ku jiro Xasan Shiekh Maxamud.