Dhageyso: DFSoomaaliya oo Sheegtay In ay Yareyneyso Musuq maasuqa dalka ka Jira

0
191

Muqdisho(INO)-Xukuumada Soomaaliya oo shalay ay Mudanayaasha Baarlamaanka ay codka Kalsoonida siiyeen aya sheegtay in ay ku dadaaleyso la dagaalanka iyo ka hortaga Musuq Maasuq. 

DFSOMALIA

Xukuumada ayaa sidoo kale sheegtay in ilaalineyso Hantida dad weynaha iyo in si gaar ah loo isticmaalo Hantida Qaranka, isla markaan ay la xisaabtami doonaan shaqsiyaadka isku daya iney ku dhaqaaqan arrimahaasi.


Wasiirka Wasaarada qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ceynte oo shalay uu Ra’isal Wasaaraha u Wakiishay inuu Baarlamaanka ka hor aqriyo Barnaamijka Xukuumada ayaa sheegay in Xukuumada Cusub ay ahmiyad gaar ah siineyso tayaynta iyo tababarida shaqaaalaha dowlada.


Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan lagu eedeeyaan iney sameeyaan wax isdaba marina ma musuq maasuq la xiriira Hantida dadweynaha. 

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here