Dhageyso: DFS oo ka hadashay baaxadda iyo saameynta abaarta dalka ku dhufatay

0
179

Muqdisho(INO)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in ay sii kordhayaan dhibaatada abaaraha ka jira Dalka.

Waxa uu sheegay in dad badan ay saameeyeen abaaraha isla markaana maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan.

Waxa uu sheegay in Xoolo badan ay dhamaanayaan dadkana ay u dhimanayaan biyo la’aan iyo Cunto la’aan.

Waxa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka Sooomaaliya ay ku dadaaleyso iney u gurmato isla markaana ay daboosho baahida dadka dhibaateysan oo ay abaartu saameeyeen.

Shalay ayay ahayd Markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in 3 Milyan oo dollar ay ku taageereyso howlaha gurmadka ee ka socda Dalka.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho