Daawo: Deegaameysi & Barakicin Cusub Oo Ka Socoto G/Sh/ Hoose iyo Dad Xoog Loo Sheegtey

0
222

Afgoye(INO)- Qaar ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye oo loo adeeg saday ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulan ayaa waxey u awood sheegteen shacab beeraleyda ah ee ku dhaqan tuulada idimow.

Halkan Ka Daawo

waxaana ay ku dhaqaaqeen fal aad u foolxun  ciidamo beeleedkan ayaa cagaf cagafyo marsiiyay guryaha ay deganaayeen iyo Beerihii ay tacban jireen sido kale waxey bur buriyeen ceelal ugu yaalay beerta islamrkaana ay rarteen matooradii ay ku waraabsan jireen beerta iyo mid ceelka .

Shacabkan masaakiinta ah  ayaa sheegay ineey kasoo carareen goobihii ay degenaayeen  islamrkaana ay soo gaareen Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ah halka laga maamulo waxaana ay dowladda Faderaalka Soomaaliya ka dalbadeen in si deg deg ah ay usoo diraan  guddi soo xaqiijiya arintan ay ka cabanayaan.

Dadkan oo isugu jira rag iyo dumar halka familka qaar ay weli kala maqan yihiin ayaa si wanaagsan loogu soo dhoweeyey degmada Afgooye, maamulka degmada Afgooye tan Degmada Ayuu wax ka qaban la’ayahay ma tan idimow ayuu wax ka qaban karaa, waxaa la filaya in saacadaha soo socda ay jawaab ka bixiso dowladda Somaliya.

Shacabkan masaakiinta ma qabataa in beerahooda iyo guryahooda ay xoog ku qabsadaan ciidamo beeleed u abaabulan qaab beeleed, oo dhoor iyo labaatankii sano lasoo dhaafay ayagoo qaab beel isugu dayay in ay beerahaasi la wareegaan awoodi waayay ay maanta ayagoo adeegsanayo magaca dowlada raba inay ku wareegaan, taasi waxaa masuuliyadeeda dusha u dhigan doono  Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan.

Ugu dambeyntii, Dowlada Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya weli Jawaab kama aysan Bixin dhacdan isla markaana waxa kororey Dhibaateynta Shacabka Gobolka Shabellaha Hoose

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here