Badhabo(INO)- Dalllada Wariyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee SOWEJA ayaa ka soo horjeestey Doorashadda Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NOSUJ Ee Socota Magaalada Muqdisho.
Wariyaasha Oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabteen Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxay shegeen in ay jirto cadaalad daro lagula kacey Wariyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana 4 ergo oo la bahdiley halkaas ay joogaaan.
Waxayna sidoo kale sheegeen in Gobolada Maamul Goboleedyada Ka jira Soomaaliya laga casuumey 18 qof, halkan Koonfur Galbeed Soomaaliya 4 qof kaliye oo la bahdiley laga casuumey. Waxayna shirkaas ay ku tilmaameen shir qabyaaladeed.
‘Hay’adaha Taagyeera Saxafiyiinta Soomaaliya in aysan taagyeerin shir ku sheega halkaas ka socoda” waxa sidaa yiri Wariye Mukhtaar Maxamed Atoosh.
Sidoo kale Dallada Bulshadda Rayidka Koonfur galbeed Soomaaliya ee SOSWENSA ayaa cambaareysey bahdilaada Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo