Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Dallada SOSWENSA Ee ururada Aan Dowliga Ahayn Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Cadow ayaa si kulul ugu hadley dhibaatooyinka ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan Shaqaaqado dhaliyey Dhimasho iyo Dhaawac oo Maalin dhow ka dhacdey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Gudoomiye Cabdi Cabdow ayaa sheegey in shacabka magaalada Baydhabo aan laga qancin dhibtaadii maaalin dhoweyd ka dhacdey Baydhabo isla markaana waxyeelo ka soo gaartey Dad rayid ah oo aysan waxba galabsan isgoona sidoo kale xusey in Sanadkii tagey askari Ka tirsan KG Soomaaliya Bartamaha magaalada dad fara badan dhimasho iyo dhaawac ugu geystey ka dib markii bom uu watey qaraxdey, sidoo kale waxa uu tilmaamey in bishii hore Askar lagu diley Xeradooda isla markaana weli dabagal lagu sameenin dhibaatooyinkaasi oo ay abuuri karaan Amni xumo iyo fowdo hor leh.
Waxa kale uu sheegey in Madaxda Maamulka Ilaa iyo haatan aysan ka hadlin Is rasaaseyntii maalin dhoweyn ka dhacdey Agagaarka Hotel Sydney Ee Bartamaha Baydhabo.
Cabdi cadow, Gudoomiyaha Dallada Aan dowliga Ee SOSWENSA Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegey in dhac, kufsi iyo dil looga geysto shacabka Wada xariirso Magaalda Baydhabo iyo Muqdisho, kuwaasoo uu sheegey in ay sameeyaan Ciidamada Dowlada DFS , isla markaana waxa uu ku eedayey Wasaaradaha ku shaqo lahaa arintaaasi ayna ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatada Ka taagaan Gobolka Shabellaha Hoose.
Waxa kale uu dhaliiley Gorsoor xumo ka jirto Koonfur Galbeed Soomaaliya, Isla markaana waxa uu sheegey in maamulka uusan diyaar u ahayn la xisaabtanka Hay’adaha Dowlada iyo wax ka bedelka Hay’ada Garsoorka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Gollaha Wasiirada, Xildhibaanada iyo Waxgaradka KG Soomaaliya ayaa ugu baaqeey inay u istaagaan samatabixin Shacabka Gobollka Shabellaha Hoose iyo in la bilaabo isla xisaabtan dhab ah.
Halkan Ka Dhageysiga
Idale News Online, Baydhabo