Angola(INO)-Wararka naga soo gaaraya dalka Angola ayaa sheegaya in halkaasi lagu xir xiray dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo ka ganacsada dalkaasi, sida uu sheegay mid kamid ah dadkii ciidamada Angola ay xireen.
Carab Maxamed Ashkar, oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ay xireen ciidamada amaanka ee dalka Angola ayaa sheegay in lala xiray sideed ruux oo Soomaaliya iyo ajaanib kale ay ku jireen.
Halkan Ka Dhageyso.
Isagoo la hadlayay VOA ayuu sheegay Carab, in sidoo kala la xiray ajaaniib badan oo ku sugnaa dalkaasi, waxaana Soomaali ka ah sida uu sheegay ku dhawaad 300 oo ruux.
Dadkaasi ayaa badankood la xiray Jimcihii shalay, waxaana laga soo qabqabtay masaajida iyo xaafadaha kala duwan ee dalkaasi Angola.