Baydhabo(INO)- Culimaa’udiinka deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shacabka ku nool deegaanada KGS ugu baaqay in ay u gurmadaan shacabka dhibaateysan ee abaartu sameysay.
Waxay sidoo kale sheegeen in ay wanaagsan yahay in la isku gargaaro si loo caawiyo shacabka ku dhibaateysan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Culumaa’udiinka ayaa sidoo kale sheegay in ay ugu baaqayaan shacabka ku nool deegaanada KGS iyo shacabka Soomaaliyeed in ay iscaawiyaan oo ay istaageeraan.
Deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka jira abaaro iyo xaalad beni aadanimo, waxaana Shaley la magacaawey guddiga gurmadka Deg Dega iyo abaaraha deegaanada KGS.