Dhageyso: Cudurka Shuban Biyoodka Oo Si Xawli Ah Ugu Dilaacey Degmada Buurhakaba

0
187

Buurhakaba(INO)–  Afar qof ayaa lagu soo waramaya inay u geeriyoodeen Cudurka Shuban Biyoodka kuwo kalena way  ildaran yihiin kuwaas la dhigey  xarumaha caafimaad Ee Degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Dadkii ku noolaa Degaanada Hoostaga Degmada ayaa waxaa ay usoo barakaceen  gudaha degmada kadib markii ay la kulmeen Biyo la’aan iyo weliba xaalado Bini’aadinimo Oo daran.

Ciise Nuur Maxamed waxaa uu ka howlgala mid kamid ah isbitaalada ku yalaan Degmada Buurhakaba waxaa uu ka warbixiyey tan iyo markii Degmada uu Dilaacey cudur ka shuban biyoodka Tirada dadkii lasoo gaarsiyey isbitaalka Dhimashada iyo kuwa kale ee u jiifa cudurkaasi.

Waxaa uu sheegey in isbitaalka aysan yaalin daawooyin ku filan dadka hada jifaan isbitaalka waxaana uu sheegey in dad hor leh maalin waliba ay soo gareyaan isbitaalka.

Halkan Ka Dhageyso