Dhageyso: Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacey Baydhabo iyo Maamulka Degmada Oo Ka Hadley

0
247

Baydhabo(INO)- Xaalada dhabta ah ee xilligan kataagan cusbitaalka Si weyn Ee Degmada Baydhabo ayaa ah mid mashquul badan, qeyb waliba oo cusbitaalka kamid ahna waxa buuxdhaafiyay carruur iyo dad da’ ah uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

ISBITAALKA

Inkabadan 50 oo ruux oo badankood ay yihiin carruur ayaa hada ku jira isbitaalka kuwaasi oo dhamaantoodba uu shuban biyood ku dhacay, kana kala yimid Baydhabo iyo degaanada ku dhow dhow.

Isbitaalka Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ah mid 24ka saacba ku mashquulsan qaabillaadda dadka buka, iyadoo ay wakhtigaan ka hawl gelayaan qaybaha la tacaalista cudurkaan, dhoor takhaatiir iyo Kalkaalisooyin badan aad u dadaalya.

Xaalada shubanka ee bukaanada la keenay hada ayuu dhakhtarku xaqiijiyey geerida dhowr carruur ah oo gudaha cusbitaalka ku dhimatay.

Si kastaba ha ahaatee, Xilli walba oo ay bilowdaan Jiilaallka ayaa cudurkan xoogiisa lagu arkaa Gudaha Baydhabo iyo gobalada Soomaaliya intooda badan,waxaana loo aaneynayaa nadaafad darrida iyo biyaha wasakhaysan ee fariista wadooyinka oo carruurtuna ay badanaa ku ciyaaraan

Ugu dambeynti, Kasokow cusbitaalka Baydhabo waxa dadka uu halleelo shuban biyoodka lagu daweeyaa cusbitaalada Bayhaawo iyo xarumaha yar yare e kashaqeeya caafimaadka sidoo kale sameynta cudurkan ayaa si aah ah looga dareemayaa xaafadaha Baydhabi oo uu ku sii fidayo.

 Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Baydhabo  Ka Hadlaya

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here