Dhageyso: C/risaaq Sheekh Muxidiin ” Masiirka Koonfur Galbeed Waxa Qabsadey Hal Qoys Oo Yar Oo Caqli Badan”

0
205

Baydhabo(INO)- Wasiirkii  Hore ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tammata iyo Badroolka Ee DFS C/risaaq Sheekh Muxudiin oo ka hadlaayey Shirka Mustaqbalka Koonfur Galbeed ayaa sheegey in Madaxweyanaha Shariif Xasan Sheekh uusan dhab ka ahayn Musharaxnimada 2016 Ee Jagada madaxweyninimada Somalia.

Waxa uu sheegey inuusan hogaamin karin wixii iminka dambeeya Bulsahda Koonfur gallbeed Soomaaliya maadama sida uu sheegey uu ku fashilmey mudadii 2 sano ee la soo dhaafey.

“Shariif Xasan waxa uu wataa falsafad aysan shaqeeyneynin ;  in Gudoomiye Baarlaman la waayo ka dib isaga lagala tashto, Wasiiro aan tayo lahayn halkaas geeyo, Qof Qoyskii ka mid ahna RW Ku Xigeen ka dhigto iyo Wasiirka Maaliyada kuwan waa Ajandiyaal u qarsan waaye” ayuu yiri C/risaaq Sh. Muxudiin

C/risaaq Sheekh Muxudiin ayaa tilmaamey in ragii halganka u soo galey inay Bulsahda KGS wax siman la qiibsadaan Beelaha kale xili ayagu la duleysanayey ayna maama ku yaaban yihiin dariiqyada Baydhabo isla markaana meeshii  ayaga joogi ahaayeen ay ku raaxeysanayaan Qoys yar oo Shariif Xasan la heeb ah waa sida hadalka u dhigey e.

” Maamulka waxa la yiri waa KMG… isla markaana Maamul KMG ah cid wax siiso malahan sababta oo ah Hanaan Maaliyeed oo La Aamini karo malahan, Waa Hal Qoys oo Maamul Sameystey Waaye, RRA oo soo dagaalantey  oo keentey 61 Xildhibaanada DM meeshii ayagu ku raaxeysan lahaayeen waxa hada ku raaxeysanaya  dad yar oo caqli badan” ayuu yiri C/risaaq Sheekh Muxudiin.

Sidoo kale  C/risaaq Sheekh Muxidiin  Wasiirkii  Hore ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tammata iyo Badroolka Ee DFS waxa uu Ciidamada Itoobiya Ee AMISOM inay Joojiyaan  Taagyeerida Madaxweynaha Koonfur Galbed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa Isa soo taraya Siyaasiin Mucaarad ku ah  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo didan Siyaasada Madaxweyne Shariif Xasan, isagoona lagu eedayey waxqabad la’aan iyo  dantiis raadsho.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo