Baydhabo(INO)- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tammata iyo Badroolka Ee Dowlada Federaalka Ee Soomaaliya C/risaaq Sheekh Muxudiin Ayaa ku eedayey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden in uu Sameystey Dastuur sida uu rabo ka yaalan karo iyo Magacaawis la’aanta Madaxweyne Ku Xigeenada KGS.
C/risaaq Sheekh Muxudiin ayaa sheegey in Xildhibaanda Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Xaq u leeyihiin La xisaabtanka Dowlada iyo Madaxweynaha isla markaana Waxa uu Tilmaamey in uu jabiyey Qodobo ka mid ah Dastuurka KGS, Wuxuuna xusay in Shariif Xasan Xilka laga qaadi karo maadama uu Ka gaabiyey wixii loo egmadey.
Sidoo kale waxa uu Sheegey In dasturka KGS uu qoraaayo in 95 Xildhibaan laga soo koobo Maamulka halka Xeer hoosaad dhawaan uu sheegey inuu sameystey shariif Xasan uu gaarsiyey 149 Mudane oo ku tilmaamey in dhamaantoodu ay wada bah dilan yihiin.
Dhinac kale C/risaaq Sheekh Muxudiin ayaa sheegey in Shariif Xasan sanadkan guuldaro ka soo raacdey Doorashada Gudoonka Baarlamanka, isagoona sheegey in rajadii uu lahaa uu soo afjarey Prof. Jawaari.
” Rajadiis musharaxnimda ahayd waa lasoo afjarey , Hada Shariif Xasan musharaxiinta u taagan Qabashada Madaxweynaha Somalia ayuu dalaalaya ” ayuu yiri C/risaaq Sheekh Muxidin
Ugu damneyntii, Sida aynu Xogta kahelney sabab keentay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya u magacaawi la yahay ku Xigeenadiisa waxa jiro Heshiisyo iyo Balanqaadyo dhaqaalle Oo Loo sameeyey Shariif Xasan Sheekh Oo Dahsoon isagoona ka cabsi qaba inay keeni karto Khilaaf iyo Is jiid jiid siyaasadeed oo u dhexeeya Isaga iyo Labadiis Ku Xigeen isla markaana laga yaabo in banaanka la soo dhigo XOGO iyo waxyaabo badan oo hada qarsan.