Dhageyso: Col. Mahad Taliska Booliska gobalka Bay ”Wax saameyn ah kuma yeelan doonaan qaraxyadii Baydhabo amniga magaalada”

0
206

Baydhabo(INO)- Taliska Booliska gobalka Bay ayaa sheegay in qaraxyada khasaaraha badan dhaliyay ay ka dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Xaaladda ayaa caadi ku soo laabatay Baydhabo waxaana goobaha ay wax ka dhaceen ka soconaya baaritaanno dheeraad ah.

Booliska ayaa sugaya ammaanka, waxaana la tira koobayaa khasaaraha inta uu la eg yahay, dadka dhaawacmay oo u badan shacab ayaa durbadiiba loo daad gureeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo oo iminkaba lagu daweynayo.

Taliyaha ciidanka Booliska gobalka Bay Col. Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay  in labada qaraxba ay ka dhaceen labo goobood oo isku dhow kuwaasoo dad shacab ah ay ku sugnaayeen

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here