Dhageyso: Ciidanka Difaaca Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliy Oo U Dhaqaaqayo Magaalada Marka, Digniin Adagna Loo Direy Maamulka Shabelle State

0
267

Baydhabo(INO)-Dowlada Koonfur Galbeed  soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dagaal ku iclaamiyay kooxda lagu magacaabo Shabelle State.

KG Army

Siyaad Sheekh Daahir oo ah afhayeenka maamulka K.Galbeed ayaa sheegay in koox walba oo maamul goboleed sheegta oo ku sugan gobolada K.Galbeed ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Halkan Ka Dhageyso Codka Afhayeenak Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Siyaad Sh.Daahir oo la weydiiyay in dagaal ku wajahayaan kooxda Sheegata Shabelle Satate ayaa ku jawaabay in talaabo cad ay ka qaadayaan, dagaalna kala hortagayaan, isagoona ku eedeeyay warbaahinta Muqdisho in ay buunbuuniso koox aan jirin.

Kooxda Shabelle State ayaa ah magac ay adeegsadaan maleeshiyada Habargidir ee dagaal dhulboobka ah ka wada Shabellaha Hoose.

Idale News Online, Baydhabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here