Dhageyso: Ciidamada KGS Iyo Al-shabaab Oo Dhexmarey Dagaal Ba’an Oo Dhaley Khasaare Badan

0
225

Makuudo(INO)- Dagaalkaan Ayaa Yimid Ka dib Markii Ciidamada Booliska Dowlada Goboleed Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Urarka Al Shabaab Oo Ay Dagalameen Inta U dhaxeeysa Degmada Baydhabo Iyo Degaanka Goofgaduud Shabeelow Oo Katirsan Gobolka Bay.

Inta La ogyahay Qasaaraha Soo Gaarey Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Somaliya Ayaa Ah Sedex Dhimasha Iyo Labo Oo Dhaawac Ah Dhanka Al Shabaabna Sida Ay Xaqiijiyeen Sarakiisha KGS  In Ay Jiraan Qasaaro Iskugu Jira Dhimas Iyo Dhaawac Oo Kasoo Gaarey Dagaalkaasi.

Taliye-Kuxigeenka Ciidamada Booliska Gaarka Ah Koonfur Galbeed Somaliya Maxamed Isaaq Caracase Oo Aan Qadka Telefoonka Kula Xiriirney Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Dagaalkaan Qasaarada Badan Dhaliyey Oo uu U dhaxeeyey Ciidamada Koonfur Galbeed Iyo Urarka Al Shabaab.

Dhanka kale Taliyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ay Siiwadi Donaan Dagaalada Ay Kula Jiraan Urarka Al Shabaab Oo Wali Ay Ku sugan Yihiin Degaano Iyo Degmooyin Katirsan Gobolada Bay Iyo Bakool.

Ma Ahan Markii Ugu Horeysey Ciidamada Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Ururka Al Shabaab Ay Ku Dagalamaan Inta U Dhaxeysa Magalada Baydhabo Iyo Degaanka Goofgaduud Shabeelow Oo 30 KM Baydhabo Dhanka Goonfurta Kaga Beegan.

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Sidii Cali Muuse Ateera, Idale News Online Baydhabo