Baydhabo(INO)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal faraha looga gubtay oo lagu jiiray Al-shabaab uu ka dhacay deegaano Hoostaga Degaanka Goof Gaduud oo ka tirsan Gobolka Bay.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaalka oo socday muddo kooban lagu kala baxay, kaddib markii cagta la mariyay maleeshiyadii Al-Shabaabka ee weerarka ku qaaday saldhig ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku lahaayeen degaano ka tirsan gobolka Bay.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM Ee Itoobiya ayaa la wareegay fariisimo ururka Al-Shabaab uu ku lahaa degaanka Goof Gaduud, waxaana sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda uu sheegay inay Al-Shabaab ka furteen hub, gaadiid dagaal iyo saanado milateri.
Degaano Hoostaga Degaanka Goof Gaduud ayaa la sheegayaa in Maanta ay ka socdaan baaritaano la xariira walxo qarxa iyo miinooyin laga cabsi qabo ay ku aaseen waddooyinka muhiimka ah ee laga soo galo ama laga baxo degaanka Goof Gaduud Ee Gobolka Bay.
Halkan KaDhageyso.
Idale News Online, Baydhabo