Dhageyso: CCC Sharma’arke iyo Madaxda Puntland oo Maanta Garoowe ugu Furmayo shir

0
296

Garowe(INO)- Wafdi u hogaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali ayaa ku sugan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland,waxaana xalay ay kulamo la qaateen hogaanka maamulkaasi.

Halkan Ka Dhageyso

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in shir looga hadlayo doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya uu ka furmo magaalada Garowe, kaasi oo lagu qancinayo maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in wafdiga ra’iisul wasaaraha ee tagay magaalada Garowe ku faraxsan yihiin ayna soo dhaweynayaan, isaga oo xaqiijiyay in shirar looga hadlayo siyaasada ay maanta furmi doonaan.

Wuxuu sheegay C/Welli Gaas in shirka maanta diirada lagu saarayo marxalada kala guurka ee dalka Soomaaliya iyo isbedel laga sameeyo siyaasada dalka Soomaaliya kaasi oo u hiilinayo mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa horey kaga horyimid nidaamka doorashooyinka dalka oo ay isku raaceen dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here